Akhriso:-Maxaa ka jira inuu Isbeddelay Mowqifka Dowlada Somalia ee kiiska Badda?

Saacadihii la soo dhaafay ayaa baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta lagu faafiyay warar sheegaya in uu isbeddelay Mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha la xiriira Kiiska badda Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ uu Isbeddelay.

War qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook Cabdinuur Maxamed Axmed ayuu ku shaaciyay in Warkaas uu been abuur uu yahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Agaasime Cabdinuur in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu baaritaano ku hayo ilaha wararkan been abuurka ah faafiyay.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah”ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media