Akhriso: Magacyada Mas’uuliyiinta ka tirsan Hirshabeelle ee ku dhaawacmay Qaraxii Jowhar

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee barqadii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo lagu weeraray Hotel lagu magacaabo Nuur Doob oo ay degnaayeen mas’uuliyiin badan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo ahaa mid xoogan oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyey, laguna weeraray Hotelka Nuur Doob Jowhar, waxaana xilliga uu qaraxu dhacaayay ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Dhowr xubnood oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa kamid noqday dadkii ku dhaawacmay qaraxa, waxaana mas’uuliyiinta waxyeelada soo gaartay kamid ah Gudoomiye ku-xigeenkii hore Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise iyo Wasiirka Haweenka Hirshabeelle Casho khalif.

Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle Cabdi Macalin, Xildhibaan hore Jeega, Agaasimiha shaqada iyo shaqalaha Wasaarada Caafimaadka, isu duwaha Wasaarada Caafimadka iyo Agaasimha wasaarada Tamarta iyo biyaha.

Waxaa kaloo jira dad farabadan oo shacab ah, isla markaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxii lagu weeraray hotelka Nuur Doob ee Magaalada Jowhar, waxaana Isbitaalka weyn ee Magaaladaas la geeyay dad qaba dhaawacyo kala duwan.

Hotelka la qarxiyay ayaa la tilmaamay in ay degan yihiin inta badana ka cunteeyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo siyaasiyiin, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Maamulka oo ay uga ka hadlaan qaraxaas xoogan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor