Akhriso:-Magacyadda Sarkaalkii u dhashay Uganda ee isku dilay Muqdisho iyo Haweeneydii uu dhaawacay

Mid ka mid ah Warbaahinta dalkaasi waxa uu qoray magacyadda  Sarkaalkii Ugandhese-ka ee dhaawaan isku dilay magaalladda Muqdisho, ka hor inta uusan dilin haweeney ka tirsanayd isla Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo la hadal hayo inay saaxiibo ahaayeen.

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF, Richard Karemire waxa uu fahafaahin dheeraad ah ka bixiyey Kabtankii ka tirsanaa Ciiddanka Uganda ee qeybta ka Hawlgalka AMISOM ee dhawaan isku dilay Muqdisho iyo haweeneydii ka tirsanayd Ciiddanka ee uu toogashadda ku dhawaacay.

Afhayeenka waxa uu u sheegay Shabakadda Wararka ee edge.ug inay Toogashadaasi bilowgii isbuucan ka dhacday Saldhig Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin magaalladda Muqdisho.

Sarkaalka is-dilay waxaa lagu magacaabi jirey Kabtan Edward Ssebagala, halka Askariyadda uu dhawaacay lagu magacaabo Dable Jackie Nabifo, taasi oo uu la sheegay inay haatan xaalladeeda soo hagaagayso.

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF, Richard Karemire waxa uu Tacsi u diray Sarkaalka isku dilay isagoo Hawlgal u joogay dalka Somalia,wuxuuna haweeneyda ka tirsan Ciiddanka Uganda ee la dhawaacay u rajeeyey caafimaad degdeg ah.

Saraakiisha Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaanadda waxa sababay dhacdadaasi ee isku dilay Kabtan Edward Ssebagala, kuna dhaawacay saaxiibtiisa, Jackie Nabifo oo ay ka wada tirsanaayeen Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Bishii la soo dhafaay ee May 13-dii, 4 Askari oo Ugandhese ah ayaa waxay isku dhex dileen Xeradda weyn ee AMISOM ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, mana kala cadda sababihii ay isku khaarijiyeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media