Inta badan Murashixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS ayaa is-diiwaan geliyey, lana siiyey Shahaadooyinka Caddaynta Murashaxnimadda, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashaddaasi oo Madashooda Dhexe ku taallo Villa Hargeysa.
Ilaa 15-Siyaasi ayaa isudiiwaan gelisay xilkaasi, kuwaasi oo kala ah:
1- Murashax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed
2- Murashax Madaxweyne Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
3- Murashax Madaxweyne Maxamuud Maxamed Culusow
4- Murashax Madaxweyne C/qaadir Cosoble Cali
5- Murashax Madaxweyne Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
6- Murashax Madaxweyne Maxamed Cali Ameeriko
7- Murashax Madaxweyne C/naasir Maxamed Cabdulle
8- Murashax Madaxweyne Maxamed C/llaahi farmaajo
9- Murashax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame
10- Murashax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle
11- Murashax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame
12- Murashax Madaxweyne Saciid C/llaahi Deni
13- Murashax Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
14- Murashax Madaxweyne Saciid Ciise Maxamuud
15- Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, Codsiyadda Murashixiinta Madaxweynaha ayaa waxa uu ku ekaan berrito, waxayna Doorashadu dhici doontaa bisha soo socota ee February 8-da.
ILaa 4 Murashax ayaa la filayaa inay berrito is-diiwaan geliyaan, oo uu ka mid yahay Murashax C/weli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo Murashax Cali Maxamed Geeddi shaaciyey inuu ka tanaasulay Murashaxbimadiisa.
Murashaxda Faadumo Dayib ayaa iyadana mar hore shaacisay inaysan isku soo taagi doonin xilka Madaxtinimadda, waxayna ku dooday inaysan Doorashaddu ku dhici doonin si Hufan.
©Radio Dalsan