Akhriso:-Magacyada Musharixiin Caawa ka tanaasulay Doorashada Madaxweynaha Puntland

Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi Musharixiin dhowr oo u tartamayay Doorashada Madaxweynaha Puntland ay uga  dhawaaqeen inay ka tanaasuleen Doorashada maalmaha soo socda ka dhaceysa Magaalada Garoowe.

Musharixiinta ka tanaasulay doorasahada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale),Cali Axmed Gamuuti, Cabdixakiim Cabdi Xaashi, Maxamed Salaad Qoryoolay,Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre,kuwaasi oo sheegay in ay u tanaasuleen Saddex Musharax oo kala ah:

Siciid Cabdullaahi Deni

Cabdisamad Maxamed Galan

Dr Daahir Mire Jibriil

Dhammaantood waxay sheegeen in ay garab siin doonaan Musharaxiintii ay u tanaasuleen,isla markaana sheegay in ay ka hortigi doonaan faragelin ay dowlada ku sameeyso Doorashada Madaxweynaha cusub ee Puntland oo 8-da Bishaan ka dhaceysa Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media