Akhriso:-Madaxweyne Waare oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Degmada Warsheekh

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,iyadoo mid Cusub loo magacaabay.

Col.Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Cumar Maxamed Cumar oo ku magac dheeraa (Ahlukheer).

Sidoo kale Col. Shiidka ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Warsheekh,isla markaana waxaa lagu bedelay Ahlukheer uu xilka qaadista ku sameeyay Madaxweyne Waare.

Dhinaca kale Wareegtadan ayaa noqon doonto mid ku meelgaar ah oo aan wax saameyn ah ku yeelan doonin Dhismaha Golaha deegaanka ee dhismihiisu haatan uu ka socdo Warsheekh,isla markaana waxaa la faray Guddoomiyaha Cusub in uu aad u dardar geliyo dhameystirka howlaha Golaha deegaanka.

 

Hoos ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media