Akhriso:- Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddoomiye cusub

Wareegto ka soobaxday xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Dani ayaa guddomiye cusub u magacaabay Degmada Taleex,isaga oo xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabista guddomiyaan.

Halkaan Ka akhriso wareegtada lagu magacaabay guddoomiyaha

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex.

Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media