Akhriso:-Madaxweynaha DDSI”Madaxa sirdoonka ayaa na handaday”

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa ku eedeeyey madaxii hay’adda sirdoonka Itoobiya, Getachew Assefa, inuu “cabsi galin iyo hanjabaad” ka waday deegaannadooda.

Madaxweynaha oo warbaahinta deegaanka waraysi siiyay ayaa sheegay in Getachew uu u dhaqmi jiray si ka baxsan nidaamka dalka iyo midka xisbiga uu ka tirsanaa ee talada dalka hayayba.

Wuxuu madaxweynuhu sheegay in caqabad weyn uu ahaa madaxii hore ee hay’adda Sirdoonka dalka, Getachew Assefa ee dhawaan xilka laga qaaday.

“Muddadii dheereyd ee uu xilka soo hayey wuxuu deegaanka soomaalida Itoobiya ku hayey” ayuu yiri “faragelin aan geed loogu soo gabban oo weliba sharci darra ah”.

Wuxuu ku eedeeyey cabsi gelin, hanjabaad, khiyaano iyo qofka oo dambi uusan gelin uu dusha ka saaro, si ka baxsan mabaadii’da siyaasadeed ee xisbiga talada haya ee isaguna uu ka tirsanaa.

“Faragelintiisuna waxay gaadhay heer uu shaqsiyaad madaxweynenimo u soo magacaabo oo ay xafiiska iigu yimaaddaan iyaga oo leh madaxweynenimo ayuu Getachew Assefa ii soo magacaabay” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in arrimahaas ay ku wargeliyeen xisbiga talada haya.

Wuxuu ku eedeeyey in Addis Ababa uu ku uruurinayey shaqsiyaad uu sheegay inay deegaanka ka geysteen dambiyo ay ka mid yihiin dil, dhac iyo mususqmaasuq.

“Waxaan aaminsanahay falalka dalka ka socda ee la rabo in lagu hakiyo isbeddelka dalka ka socda in ninka la yirahdo Getachew Assefa uu ka dambeyo”.

Getachew Assefa oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigreega, muddo badanna soo ahaa madaxa hay’adda sirdoonka dalka Itoobiya, waxaa xilka laga qaaday bishi hore waxaa lagu beddelay jeneraal Adem Mohammed oo ka soo jeeda qowmiyadda Amxaarada.

Getachew Assefa kama uusan jawaabin eedeynta loo jeediyey.

Dalka Itoobiya waxaa ka socda isbaddel dhinacyo badan taabanaya oo ay siyaasadda iyo amnigu ka mid yihiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor