Akhriso:-Madaxweynaha cusub ee Puntland oo todobaad gudihiis soo saaray Wareegtadii labaad

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Soo saaray Wareegto  lagu joojinayo Cashuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waxaa Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa la Ogeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda,Hay’addaha kuwa Caalamiga ah iyo kuwa gaar loo leeyahay in la joojiyay dhammaan Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale waxaa la Ogeysiiyay dhammaan Madaxda dowlad Goboleedka Puntland in la joojiyay Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii la sameeyn jiray.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waa markii labaad ee uu soo saaro Wareegto inta uu xilka Madaxtinimo Puntland haayo.

 

Hoos ka Akhriso Wareegta uu soo saaray Madaxweyne Saciid Deni

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media