Akhriso:-Madaxda Saddex Hay’adood oo korjoogto ka noqon doona doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Akhriso:-Madaxda Saddex Hay’adood oo korjoogto ka noqon doona doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabk

Iyada oo hal maalin kaliya ay ka harsan tahay dooorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa guddiga doorashada waxa ay ku casuumeen in ay kor joogto ka noqdaan doorashadaas madaxda Saddex Hay’adood.

Nuur Iidow Beyle oo ah guddoomiyaha Guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada ay kaliya kor joogto ka noqon doonaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Yareey.

Ilaa 11 Musharax oo dhammaantood Xildhibaano ah ayaa Isniinta soo socota ku tartami doona doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu baneeyey Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media