Akhriso:-Madaxda ka qeyb galeysa Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha KGS

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu wadaa in Maanta oo arbaco ah ay ka dhacdo Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen).

Munaasabada Caleemo saarka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota Dowladda Federaalka,sida Madaxweyne Farmaajo,Guddoomiyaha Golaha Shacabka,Wasiiro iyo Xildhibaano,iyo sidoo kale Madax ka socota Dowlad goboleedyada.

Shalay ayaa waxaa Baydhabo gaaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka,Wasiiro iyo Xildhibaano,Madaxweynaha Hir-Shabeelle,Madaxweyne kuxigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Madaxweyne ku xigeenka Galmudug,Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo marti sharaf kale.

Ammaanka Magalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay,waxaana lagu arkayaa Ciidamada booliska Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo amniga siweyn u xaqiijinaya,kuwaas oo Goobaha muhiimka ah ee Magalada Baydhabo.

Qaban qaabada Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Maanta ka dhaceysa Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor