Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa lagu Magacaabay guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan.
Wareegtada ayaa lagu sheegay kadib wadatasho lala yeeshay Bulshada iyo Xildhibaanada Heer federaal ee deegaan doorashadoodu tahay Hir-Shabelle in xilkaas loo Magacaabay Jaamac Faarax(Kabaweyne)
Xilka Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maamliyadda ee Maamulka gobolka Hiiraan ayaa todobadkii hore waxaa iska casilay Xuseen Cismaan Muumin Garbooy,kadib markii uu sheegay in wadatashi uu la sameeyey waxgaradka Beeshiisa.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.