Akhriso:-Khilaafka Galmudug oo saameen ku yeeshay Saddex waxyaabood (Warbixin)

Magalada Cadaado ee Xarunta gobolka Galgaduud waxaa ka socda kulamo ay waxgaradka Magaaladaas la leeyihiin Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo shalay gaarey Magalada Cadaado.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in kulamada labada dhinac ay uga hadlayaan xalinta khilaafka xilligaan ka dhex jira Madaxda Sare ee Galmudug iyo Xildhibaanada qaarkood ku sugan Dhuusamareeb oo sheegay inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Magalada Cadaado ayaa waxaa ku sugan ku dhowaad 40 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug,kuwaas oo ah kuwii lagu aas’aaasy Maamulka Galmudug,waxaan wehliya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo safar dhinaca dhulka ah shalay ku tegay Cadaado ayaa ugu baaqay xildhibaanada Galmudug inay tagaan Cadaado.

Sidoo kale Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa ka soca kulamo kale oo ay wadaan xildhibaanada Galmudug qeybtooda ku sugan halkaas,kuwaas oo iyana diyaarinaya sidii loo Magacaabi lahaa Guddi ka Shaqeeya doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay shegeen inay xilkii ka qaadeen.

Ugu dambeyn khilaafka ka dhex jira Madaxda Sare ee Galmudug iyo Xildhibaanada ayaa waxaa uu saameyey saddex waxyaabood oo kala ah dhamaan howlihii Shaqo ee loo baahnaa ee Galmudug inay hakad galeen, in la kala degay Magaalooyinka Cadaado iyo dhuusamareeb iyo in ay joogsadeen mashaariic horumarineyd oo laga fulin lahaa deegaanada Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor