Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Daljirka Daahsoon

Waxaa isa soo taraya Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxii Barqanimadii Maanta ka dhacay Bar-koontarool oo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Wadada aada dhinaca Xabsigii hore ee Godka Jilacoow ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo jugtiisa laga maqlay Magaalada oo dhan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,isla markaana waxaa uu qarxay xili Koontaroolka Ciidamada ay taagnaayeen gaadiid badan oo ay lahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Saraakiil Ciidan.

Qaraxaa ayaa waxaa ku geeriyootay in badan 15 ruux oo isugu jiray dad shacab ah,Askar badan iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada dowlada oo xiliga uu ka dhacayay ka Agdhawaa goobta.

Sidoo kale dadkii dhintay ayaa waxaa kamid ahaa Sarkaalad katirsaneyd Ciidamada Milatega dowladda Soomaaliya,Ciidano badan oo ilaalo u ahaa iyo Seeygeyda oo isna ahaa Sarkaal kale,kuwaasi oo xiligaas saarnaa Gaari Cabdi Bile ah,waxaana ka badbaaday oo kaliya hal ruux oo la socday,kaasi Ciidamadii joogay Koontaroolka u geeynayay Kaar Aqoonsi ah oo la weeydiiyo gaadiidka doonaya inay aada dhinaca Xarunta Madaxtooyadda.

Dhinaca kale qaraxa ayaa ku dhaawacmay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Shabeel oo xiliga oo qaraxa uu dhacayay  marayay goobta,waxaana soo gaaray dhaawac fudur,sidoo kale dad kale oo shacab ahaa ayaa dhaawac soo gaaray,kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo goobaha Caafimaad eek u yaalla Magaalada Muqdisho.

War qoraal oo lagu daabacay Baraha Intenet-ka Al-shabaab ay ku leeyihiin ayaa waxaa ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxa la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saaraakiil ka tirsan dowladda Federaalka iyo Xidhibaanno kusii jeeday dhanka Madaxtooyada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media