Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo duhurnimadii Maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Carwa Idko Wadada 30-ka  ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah,isla markaana goobta uu ka dhacay ay aheyd koontorool Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay mar walba Gaadiidka ku baaraan.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo Shacab ah oo goobta qaraxa ka dhacay marayay  ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qof kalena uu ku dhaawacmay,waxaana la ogeyn cida sida rasmiga ah qaraxaas loola eegtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo aan k fogeyn goobta qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay inay sameeyeen howlgal baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen dadki ka dambeeyay qaraxaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor