Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay qarax Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula Eegtay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay Ex-Control Balcad ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo socdaal ku marayay Ex-Control Balcad,isla markaana uu ahaa mid nooca miinada dhulka lagu Aaso ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in jugta qaraxa,kadib la maqlay rasaas oo ay fureen Ciidamada AMISOM,waxaana qaraxaasi ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in qaraxa ay ku dhinteen laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Degmada Heliwaa,uuna jiro dhaawac,inkastoo aan  si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay.

Inta badan Ex-Control Balcad ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa qarax lagu eegtaa Ciidamada AMISOM xiliga ay marayan halkaasi ,waxaan ka dhashay Khasaarooyin kala duwan,iyadoo AMISOM ay furaan Rasaas xoogan oo waxyeelo geysata.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media