Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay soo iibsatay diyaarad gaar ah oo ay leedahay,taasi oo duulimaadkii ugu horeeyay ku tegtay Magaalada Kismaayo.
Garoonka Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Kismaayo ayay ka soo degtay diyaaradda Jubbaland,taasi oo samayn doonta duulimaadyo dalka gudahiisa iyo dibada ah,isla markaana halkaas kusoo duubuli doonta Wufuuda ka qeyb galeysa Xaflada Caleemo-saarka Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Rakaabkii u horeeyay oo diyaaradan ay soo qaado ayaa waxaa waxaa kamid ahaa Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen guuleed iyo Xildhibaano heer Federaal ah kuwaas oo kasoo kicitimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,kuwaasi oo ka qeyb galay Caleemo-saarka Axmed Madoobe.
Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa si cad u shaaciyay in diyaaradii Jubbaland soo iibsatay ay jebisay Amarkii ka soo baxay dowladda Federaalka ee ahaa in diyaaradaha aada iyo kuwa yimaada Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho.
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Jubbaland diyaaradaas ay ka soo bixisay lacag dhan 2 Milyan oo dollar,isla markaaana ay ka soo iibsatay Koofurta Suudaan.
Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay gaaran wufuud kala duwan oo ka qeyb galeysa Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe oo dhaceysa 9-ka Bishaan.