Akhriso:-Jubbaland oo caddeysay mowqifkeeda Shirka Dhuusamareeb-3

Dowlada Gobooleedka Jubbaland ayaa War kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo Shirka Madaxda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee Magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Madaxda dowladda Federaalka loogu eedeeyay inay fulin weyday heshiisyadii Madaxda ay ku gaareen Shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2.

Waxaa kaloo Qoraalka lagu sheegay in meesha ay ka baxday Xukuumadii hoggaamin laheyd Doorashooyinka dalka, isla markaana aan weli kasoo magacaabin Ra’iisul Wasaare Cusub, si loo sii amba qaado ka hadalka Arrimaha Doorashada.

Jubbaland ayaa tilmaamtay in Shirkii Dhuusamareeb 2, kadib dowladda laga sugayay inay joojiyo dhibaatada iyo faragelinta ay ku waday deegaanada Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo, waxaana dowladda ay ku eedeeyeen inay weli sii wado fara-gelinta.

Ugu dambeyn Jubbaland ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday inay ka caawiso qabsoomida Shirka Dhuusamareeb 3 oo loo dhan yahay, isla markaana laga miro dhaliyo natiijooyinka kasoo baxa Shirkaas.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media