HomeWararAkhriso:-Jadwalka Doorashooyinka Soomaaliya oo lasoo saaray

Akhriso:-Jadwalka Doorashooyinka Soomaaliya oo lasoo saaray

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ayaa soo saaray Jadwalka doorashooyinka dalka ka dhacaya, kadib markii Shir laba maalin socday ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Shirkaan oo shalay ka fumay Teendhada Afisyooni ayaa waxaa looga hadlaayay fulinta dardar-gelinta heshiiskii laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo muddo ku dhow sanad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ayaa soo saaray Jadwalka doorashooyinka dalka ka dhacaya, kadib markii Shir laba maalin socday ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirkaan oo shalay ka fumay Teendhada Afisyooni ayaa waxaa looga hadlaayay fulinta dardar-gelinta heshiiskii laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo muddo ku dhow sanad uu khilaaf ka taagnaa.

- Advertisement -

Madaxda ayaa isku raacay in doorashada Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ay dhacdo 25-ka bisha July 2021, halka Doorashada Golaha Shacabka la qorsheeyay in la qabto inta u dhexeeysa 15-ka Bisha July ilaa iyo 10-ka August.

Sidoo kale Jadawalka lasoo saaray ayaa waxaa lagu caddeeyay in Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka dhaceyso 10-ka Bisha Octoober ee sanadkaan 2021.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashooyinka ee lasoo saaray.

- Advertisement -

1-Tababarka iyo Doorashadda Guddoonka Gudiyada Doorashadda ( 30 June – 05 July 2021)

2-Doorashada Aqalka Sare (25 July 2021)

3-Diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada ( 23 July 2021)

4-Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda (15 July – 10- August 2021)

5-Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS (10 August – 10 September 2021)

6- Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashadda Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS (20 September 2021)

7-Doorashadda Madaxweynaha JFS (10 October 2021)

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa Go’aankaan kale soo saaray:

Golaha oo tixgelinaya Codsi ka yimi Haweenka Soomaaliyeed, wuxuu 50% ka dhimay Haweenka Soomaaliyeed khidmada laga qaadayay haweenka u sharaxan Baarlamaanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts