Akhriso:-Jadwalka doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la soo saaray

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta soo saaray Jawdalka Doorashada la filaayo inay ka dhacdo Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in Hadal jeedinta musharaxiinta ay bilaabaneyso 16- Bishaan kuna egtahay 17 bisha.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in tababar guud lasii doono Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maalin talaado ah taariikhduna tahay 18 December 2018.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo 19-ka Bishaan oo ku beegan Arbacada soo socot.

 

Hoos ka Akhriso Warqada Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media