Akhriso:-Isbedel lagu sameeyay Taliska Booliska Dhoobley

Taliyaha guud ee Ciidanka Dowlad goboleedka Jubbaland Sarreeye Guuto Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa Isbedel ku sameeyay Taliska guud Ciidanka Booliska Degnada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Jubbaland ayaa waxaa xilkii looga qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Dhoobleey Gaashaanle Dhexe Haybe Axmad Cabdyllaahi, waxaana loo badalay Taliska qaybta Booliska ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Gaashaanle Maxamuud Cabdi Daahiyeb ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka booliska Dhoobleey, halka uu Dhamme Maxamad Cabdulaahi Kureed loo magacaabay ku-xigeenkiisa.

Ugu dambeyntii Ciidanka Booliska degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyan Taliska Cusub ee lasoo magacaabay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media