Tirada dadka cudurka coronavirus ugu dhintay waddanka Mareykanka ayaa waxa ay dhaaftay 2 kun, taas oo ka dhigan in laba maalmood gudahood ay laba laabmatay tirada dhimashada uu sababay cudurkaasi.
120,000 oo qof ayaa haatan la ogyahay in cudurkaasi uu kula dhacay gudaha waddankaasi
Hayeeshee Madaxweyne Donald Trump waxa uu si degdeg ah uga laabtay suuragalnimada in uu xayiraad ku soo rogo deegaannada uu cudurkan sida ba’an u saameeyay ee New York iyo New Jersey.
Barasaabyada labadaasi gobol ayaa aad uga carooday fikirkaas.
Yurubna tirada dadka u dhintay cudurkan ayaa waxa ay dhaaftay 20 kun, iyadoo Talyaaniga iyo Spain ay soo weriyeen in maalin qura ay dalalkooda ku dhinteen in ka badan 800 qof dalkiiba.
Talyaaniga ayaa sii adkeeyay xayiraadaha uu dakkiisa ku soo rogay oo waxa uu soo saaray in la ogaado heer kulka dhammaan dadka dalkaas dibadda kaaga imanaya ee keenaya walxahan afka lagu xirto.