Akhriso: Hadal Jeedintii Madaxweynaha Puntland ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Dalka Zambia

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay Xaflad weyn oo soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed Dalka Zambia, taasi oo ay kasoo qeybgaleen Boqolaal qof.

Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa xalay warbixin ku siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia, wuxuuna la wadaagay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Shaqooyinka ka socda, sida Amniga , Dhismaha Ciidanka, Kaabayaasha dhaqaalaha, Garoomada , Dekadaha, Dhismaha Wadooyinka, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda.

Wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada in Puntland ay ka go’antahay in talada dadka lagu celiyo oo ay soo doortaan dadka ku metelaya Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka, qorshahaasi oo saddex Degmo laga qabtay hadana la dhameystirayo in 37 degmo laga qabto iyadoo diiwaangelinta codeyayaasha Bishan bilowman doonto.

Dhammaan Dadkii Kulanka ka hadlay Masuuliyiin, Jaaliyadda, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwanee Bulshada ayaa soo dhoweyn iyo garab istaag ugu muujiyey Madaxweynaha iyo dowlad Goboleedka Puntland, Waxqabadka dhinac walba ah, horumarka iyo Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor