Akhriso:-Guddoomiyihii Magalada Baladweyne oo xilkii laga qaaday(Wareegto)

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadlle ayaa  waxa uu xilka qaadis ku sameeyay gudoomiyihii Degmada Baladweyne,isagoo magacaabay guddoomiye cusub.

Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Degmada Baladweyne ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Axmed Ibraahin (Foodcadde),kaasi oo bedelaya gudoomiyihii hore ee Degmadaasi Maxamed Cusmaan Qalaafow.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska  Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Baldweyne.

Maxamed Cusmaan Qalaafow oo ahaa gudoomiyihii xilka qaadista maanta lagu sameeyay ayaa waxa waxa dhowr mar xilal kala duwan kasoo qabtay Gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor