Akhriso:-Guddiga doorashooyinka Soomaaliland oo soo gudbiyay tirada Codbixiyayaasha

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay tirada dadka qaatay kaadhka cod-bixinta doorashooyinka soo socda, iyagoo sheegay inay qaateen 704,089 oo cod bixiye, kuwaasi oo ka codayn doona 1642 goobood oo ku yaalla 21 degmo doorasho.

Iyadoo hore ay kaararka cod bixinta u qaateen dad gaaraya 873,331 oo qof ayay shaciyeen guddiga doorashada in tirada aan qaadanin kaararkooda si ay ugu codeeyeen ay u soo doonan waayeen sababo ay kamid tahay abaartii dhawaan ku dhufatay qaar ka mid ah deegaanada Somaliland.

Guddiga doorashooyinku ayaa waxa ay xogtan ku wareejiyeen saddexda xisbi siyaasadeed iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Somaliland ayaa lagu wadaa inay doorashada madaxtooyadu ay ka dhacdo 13-ka bisha November ee sanadkan, iyadoo ay ku tartami doonaan sadex musharax oo kala matali doona xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid, waxaana la filayaa in dhawaan ololihii doorashadu uu ka bilaabmo guud ahaan Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media