Akhriso:-Genaraal Bariise oo shaaciyey in laba maalin kahor uu xilka iska Casilay

Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Guuto Maxamed Cali Bariise ee Maanta xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday inuu xilka iska Casilay laba maalin kahor.

Qoraal uu soo saaray Sareeye Guuto Maxamed Bariise ayaa waxaa uu ku sheegay in laba maalin kahor uu gudbiyay warqadiisa is-casilaada, isagoona xusay in aan durba looga soo jawaabin, hayeeshee uu Facebook ka arkay in xilka qaadis lagu sameeyay.

“Warqadda iscasilaadeyda labo maalmood ka hor ayaan u gudbiyay dhinacyada ay khuseyso, ma garanayo sababta baraha Facebook iyo Twitter-ka Villa Somalia ugu faafisay in anniga xilka la iga qaaday, iyadoo aan la iiga soo jawaabin iscasilaadeyda” ayuu yiri Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa Caawa shaacisay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka qaadis ku sameeyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo xilka qaadista ay dhaqan galaysay Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Febraayo 2020.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Sareeyo Guuto Bariise. 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media