Akhriso:-Galmudug oo hakisay dhismaha Golaha deegaanka Degmooyin

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa hakisay dhismaha Golayaasha deegaanka degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud, kadib Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha gudaha Galmudug.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Maamulka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in dhismaha Golayaasha deegaanka Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Hobyo iyo Balanbale la hakiyay muddo 90 maalmood.

Axmed Cismaan Aadan ayaa tilmaamay in amarka lagu hakiyay dhismaha Golayaasha deegaanka degmooyinka uu horey uga soo baxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isla markaana la tixgeliyay, lana joojiyay.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Maamulka ayaa faray dhammaan howlwadeenada Wasaaradda ee ku sugan degmada Balanballe in ay soo xaroodaan, isla markaana la joojiyay dhismaha Golayaasha deegaanka ee socday.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Wasiir ku-xigeenka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor