Akhriso:-Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Wada hadalka Somaliland

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay Go’aanka Madaxweynaha Somaliland uu ku aqbalay in maamulkiisa wada shaqeyn dhow la yeesho dowlada.

Qoraal ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aanka Muuse Biixi Cabdi uu yahay mid wanaagsan,isla markaana ay tahay talaabo horey loo qaaday

Hoos ka Akhriso War-saxafadeed ka soo baxay Dowlada Soomaaliya.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media