Akhriso:-Dowladda oo Jawaab ka bixisay Eedeyntii Maamulka Hirshabeelle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  Jawaabtay eedeyntii uga timid dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee aheyd in  Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorsheynta ay xayireen lacago loogu tala galay wax ka qabashada fatahaadaha Webiga Shabeelle.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in aysan jirin wax dhaqaale ah oo Wasaaradda ka xayirtay Hirshabeelle oo loogu talagalay wax ka qabashada fatahaadaha Webiga.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in qorshaha Mashruuca kasoo kabashada Musiibooyinka uu ku socdo sidii loogu talagalay, isla markaana uusan jirin isbedel ku yimid mashruuca.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa Guddiga ka hortega fatahaadaha Webiga ee Maamulka Hirshabeelle ka codsatay inay caddeymo ka bixiyaan lacagta ay ku eedeeyeen in dowladda Fdederaalka ka xayirtay wax ka qabashada fatahaadaha Webiga Shabeelle.

Si kastaba Hirshabeelle ayaa horey u sheegtay inay ka xun tahay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirkeeda ay caqabad ku noqdeen fududeynta iyo sii deynta qarashaad wax looga qaban lahaa arrimaha hadda taagan deegaanada Maamulka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor