Qoraal Caawa ka soo baxay Madaxda Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa looga hadlay Doorashadii Maanta ka dhacday Magalada Cadaado.
Doorashadaas ayaa Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Cadaado waxa ay Madaxweynaha Galmudug ugu doorteen inuu noqdo Axmed Maxamuud Baasto,balse shir deg deg ah ay yeesheen dowlad Goboleedyada ay sharcidaro ku tilmaameen.
Warka ka soo baxay Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in doorashadaas aan waxba ka jirin,isla markaana Madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug uu yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Waxaa kaloo ay sheegeen in arrintaan ay ku lug leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana Madaxweyne ku xigeenka Galmudug,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada kale eek u sugan Cadaado ay yihiin qaswadayaal.
Halkan Ka Akhriso War-Saxaafadeedka ay soo saareen.