Akhriso:-Ciidamada Dowladda oo dib uga soo baxay deegaanka Moqokori

Arroornimadii hore ee saakay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen tiro yar oo ka tirsan ciidamada Itoobiya waxa ay dagaal kula wareegeen deegaanka Moqakori ee Gobolka Hiraan oo ay maamulayeen Al-Shabaab balse waxaa haatan la sheegayaa in ay isaga baxeen Ciidamada dowladda.

Wariyaheena Gobolka Hiiraan Axmed Dirir Nuur ayaa waxa uu soo sheegayaa in mudo Saacado ah oo ay ciidamada isgarabsanayay ay ku sugnaayeen deegaanka Moqokori ay sinabad ah uga soo baxeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan,waxana wararkii u dambeeyay ay nasoo gaaray ayaa sheegayaan in deegaanka Moqakori uu Maanta yahay mid haawanaya oo aan cidna ka talin.

Dadka deegaanka qaarkood oo aan la xiriirnay ayaa iyana waxa ay inoo sheegeen in weli Al-Shabaab aysan soo gelin deegaankaas isla markaana ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Magaalada duleedkeeda.

Ciidamada Dowladda ee saakay qabsaday deegaanka Moqakori ayaa ka baxay degmada Matabaan ee isla Gobolka Hiiraan balse ugu dambeyn ay barqadii Maanta isaga soo baxeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media