Akhriso:-Cabduweli Muudeey oo Shaqa joojin ku sameeyay Xoghayaha Golaha Shacabka

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Shaqa joojin KMG ah lagu sameeyey xogheyaha guud ee Golaha Shacabka Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux.

Wareegtada oo ku taariikheysan 2 Bisha Apriil oo Maanta ku beegan ayaa waxaa lagu sheegay in Shaqa joojin KMG ah lagu sameeyey Xoghaye Buux iyada oo la amray in si KMG ah uu Shaqada u sii wado  ku xigeenkiisa Maxamed Cabdullaahi Cabdi Ciyoow.

Sababta Shaqa joojinta ayaa waxaa lagu sheegay in  Xoghaye Buux uu faraha la soo galay Arrimaha Siyaasadeed ee waqtigaan dalka ka jira sidaasna Shaqada looga joojiyey.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media