Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeelanayaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta Koowaad ee Hinse-sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed iyo Akhrinta Warbixinta Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Federaalka.
Xalay ayaa waxaa mudanayaasha Golaha Shacabka loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana Xildhibaanada laga doonayo inay kasoo qeyb galaanka kulankaas, maadaama shaqooyin dhowr ah ay horyaallan Baarlamaanka.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in kulanka uu si rasmi ah uga furmo Xarunta Villa Hargeysa, waxaana halkaas kusii qul-qulada Mudanayaasha Baarlamaanka, si ay uga qeyb galaan kulanka.
Tan iyo markii uu furmay Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen sharciyo dhowr ah oo la horgeeyay, halka kuwo kalena ay harsan yihiin.