Akhriso:-Ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

Maanta oo sabti ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay kulandoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta Koowaad ee sharciga dambiyada galmada la xiriira, waxaana Mudanayaasha ay sharcigaas marsiin doonaan laba Akhris kale.

Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulankaas, si loo dardar-geliyo howlasho ee Baarlamaanka horyaalla.

Kulanka Maanta ayaa waxaa kamid ah yahay kalafadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaanada tan iyo markii uu furmay Kal-fadhigaas ay ansixiyeen sharciyo kala duwan, iyadoo weli ay horyaallan sharciyo kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media