Akhriso:-Ajendaha kulanka Maanta ee Golaha Aqalka Sare

Xikdhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Dhamaan Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inuu jiro kulan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da Bisha December 2019.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee Wax-ka-beddelka Sharciga Iibka & Qandaraasyada Qaranka, waxaana kulankaas uu furmi doonaa 9:00 Subaxnimo.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, waxaa ogaalaatay 28 Senatar, waxaa diiday 1- Sanater cid ka amuustayna majirin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media