Ahmed Madoobe oo Ethiopia ka codsaday xalinta khilaafka kala dhexeeyo Dowladda Federalka iyo Maamulka K/galbeed Somalia

Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Sheekh Axmed Mohamed Islaan ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom.

Labada Mas’uul oo xalay kulan ku yeeshay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba ayaa waxay ka wada hadleen xaalladda Siyaasadda ee dalka Somalia iyo Dagaalladda ka dhanka ah Alshabaab.

War Saxaafadeed ay Dowladda Ethiopia ka soo saartay Kulankaasi ayaa lagu shegeay inuu Sheekh Ahmed Madoobe ka codsaday Dowladda Ethiopia inay dadaal u gasho sidii loo xalin lagaa khilaafyadda ka dhex aloosan Maamulkiisa iyo Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedka K/Galbeed Somalia.

Sheekh Ahmed Madoobe waxa uu sheegay inuu u baahan yahay inay Dowladda Ethiopia dib-u-heshiisiin dhex dhigto Maamulkiisa iyo Dowladda Federalka Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Jubbaland haatan ka jirto nabad buuxda, isla markaana ay doonayaan inay kaalin wanaagsan ka qaataan sidii loo badbaadin lahaa Barlamaanka sida Dimuqaraadiyadda lagu soo doortay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, waxa uu ugu baaqay Dowladda Ethiopia inay xaliyaan khilaafka fudud ee Maamulkiisa kala dhexeeyo Maamul-gobaleedka ay deriska yihiin ee K/galbeed Somalia.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom oo ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed dhexdooda si nabad buuxda u xaliyaan khilaafkoodam iyadoo aan faragelin shisheeye lagu samaynin.

Maamulka Axmed Madoobe waxa uu khilaaf xooggan kala dhexeeya Dowladda Federalka, iyagoo sheegay inay Aqoonsiga kala noqdeen Dowladda Federalka.

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ayaa iyagana  kala diray Barlamaan-gobaleedka Jubbaland.

Sidoo kale, Maamulka Ahmed Madoobe waxa uu khilaaf kala dhexeeyaa Madaxweynaha Maamul-gobalka K/galbeed Somalia, Sheekh Xasan Sheekh Aadan oo ay mar Xulufo ahaan jireen.

Xigasho: Government of Ethiopia (Addis Abeba)

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor