Dhageyso:Ahlusunna oo beenisay in Amisom lagu wareejiyay Amaanka Guriceel

Gudoomiyaha Ahlusunna Waljameeca ugu magacaaban Degmadda Guriceel Xuseen Salaad ibraahim oo la Hadlay Radio Dalsan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in gacan ku haynta Amaanka Degmadaasi lagu wareejiyay Ciidamada Amisom.

Waxa uu sheegay in heshiiska degmadaasi uu qeyb ka ahaa in Amaanka Degmadda Guriceel ay gacanta ku hayaan Ciidamadda Ahlusunna Waljameeca.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli madaxda dowladda ay sheegeen  in Amaanka Degmadda Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu Wareejiyay Ciidanka Amisom.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor