HomeWararAhlu-suna oo gacanta ku dhigtay Liibaan Madaxweyne oo dhaawacan.

Ahlu-suna oo gacanta ku dhigtay Liibaan Madaxweyne oo dhaawacan.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maleeshiyadda Maamulka Ahlu-sunna ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen  Kolonel Liibaan Maxamed Yuusuf “Liibaan Madaxweyne”, kaasi oo  hoggaaminayey Ciiddankii kula dagalaamay magaalladda Dhuusamareeb. Muxiyaddiin Cali Jimcaale “Jakula” oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Goballadda Dhexe ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Dalsan in gacanta lagu dhigay Liibaan Madaxweyne oo ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Dhuusa-mareeb. Muxiyaddiin Jakula waxa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maleeshiyadda Maamulka Ahlu-sunna ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen  Kolonel Liibaan Maxamed Yuusuf “Liibaan Madaxweyne”, kaasi oo  hoggaaminayey Ciiddankii kula dagalaamay magaalladda Dhuusamareeb.

Muxiyaddiin Cali Jimcaale “Jakula” oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Goballadda Dhexe ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Dalsan in gacanta lagu dhigay Liibaan Madaxweyne oo ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Dhuusa-mareeb.

- Advertisement -

Muxiyaddiin Jakula waxa kale oo uu tilmaamay in la soo af-jaray Iska horimaadkii, isla markaana ay Maamulka Goballadda Dhexe si buuxda gacanta ugu hayaan guud ahaan Ammaanka Dhuusamareeb, isla markaana ay qabteen Maxaabiis ka tirsanaa Kooxdii la socotay Liibaan Madaxweyne.

Liibaan Maxamed Yuusuf “Liibaan Madaxweyne”, oo dhowr bilood ka hor ka soo goostay Ciiddanka Dowladda Federalka ee Goballadda Dhexe ayaa ku biiray Maamulka Ahlu-sunna ee Dhuusa-mareeb, ka hor inta uusan soo kala dhex gelin Khilaaf dhinaca Maamulka.

Sarkaalkaasi iyo Ciiddankii la socday waxay saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaadeen Maleeshiyadda Ahlu-suna ee ku sugan Dhuusa-mareeb, wuxuuna iska horimaadkaasi soo gaaray ilaa Duhurnimadii maanta.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Ahla-sunna ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda qabtaan Shir Jaraa’id oo ay kaga hadlayaan Iska horimaadkii ay la galeen Liibaan Madaxweyne.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts