Agaasimihii Farsamada Dhulka G/Banaadir iyo Wiilkiisa oo loo xiray Dhul ay iibsadeen

Maamulka gobolka Banaadir ayaa Xabsiga dhigay Agaasimihii Farsamada dhulka Maamulka gobolka Banaadir iyo wiilkiisa,kadib markii lagu soo eedeeyay in ay dhul iibsadeen sida ay inoo xaqiijiyeen Dad Xog-ogaal ah.

Yuusuf Geesey iyo Wiilkiisa,ayaa loo heystaa in ay iibsadeen dhulka oo ku yaalla Xaafada Xoosh ee degmada Dharkenley kaas oo isla maanta Maamulka gobolka Banaadir uu ka joojiyay Shaqa ka socotay,dhulkaas oo la sheegayo in u ahaa Waddo ay Bulshadu isticmaaleyso.

Tallaabadaan uu Maanta ku dhaqaaqay Maamulka gobolka Banaadir ka sokow aysa waxaa horay u jirtay in Maamulku uu joojiyay dhismo ku socday dhulal Danta guud oo ku yaalla Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media