Agaasime Koofi oo kormeeray Xafiiska Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha ee degmada Guriceel

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyoJinsiyadda Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa kormeerey xaafiisyada hay’addu ku leedahey magaalada Guriceel, isaga oo halkaas kula kulmay shaqaalaha ka howlgala iyo qaar ka tirsan bulshada Guriceel

Kormeerka oo uu agaasimaha ku wehlinayey madaxa howlaha hay’adda ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta hab-sami u socodka howlaha hay’adda, wuxuuna saraakiisha kula dardaarmey in ay u guttaan waajibka Qaran si waafaqsan sharciyada dalka.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa ku guda jira kormeerka sanadlaha ah ee uu ku sameynayey xaafiisyada iyo howlaha hay’adda guud dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna hore u soo marey qeybo badan oo dalka ah.

Socdaalkan uu agaaasimaha ku marayo xafiisyada Hay’adda ee basaboorada laga bixiyo iyo xafiisyada Socdaal ee ku yaala Xaduudaha Dalka ayaa ujeedkisa waxa uu yahay kormeer lagu hubinayo habka ay shaqada uga socoto xafiisyada Hay’adda iyo in la dhageysto bulshada ku dhaqan meel kasta oo uu ku yaalo xafiis ka mid Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda si loo ogaado cabashadooda iyo talooyinka ay bixinayan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media