Agaasimaha Hay’adda NISA oo Maanta gaaray Magaalada Addis Ababa & ujeedkiisa

Gelinkii dambe ee Maanta, Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo halkaas soo dhaweyn loogu sameeyay.

Agaasime Mahad Salaad ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Itoobiya, waxaana intaas kadib loo galbiyey dhanka gudaha magaalada, Agaasimaha ayaana ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay isaga iyo wafdi la socday.

Mahad Salaad ayaa sida uu qorshahu yahay Itoobiya ku joogaya safar laba cisho ah, isla markaana waxaa uu kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaas Taliyaha Nabadsugida Xukuumadda Addis Ababa, iyaga oo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Dhinacayda ayaa si gaar ah kulankooda diirada ugu saaraya muhiimada ay leedahay ka hor taga waxa loogu yeero Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wada jir ah dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya iskaga kaashadaan.

Safarka Agaasime Mahad Salaad ayaa kusoo beegmay maalmo yar kadib markii Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Sisay Tola uu soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo uu Agaasimaha NISA soo gaarsiiyay casuumaadda safarka maanta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor