Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayey ku sheegteen inay saddexdii bilood ee la soo dhaafay duqeyn ku dileen ku-dhawaad 60 Dagaalamayaal Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigteen.
AFRICOM waxay xustay inay duqeymo ay fuliyeen maalmihii Sabtida, Axadda iyo Isniinta ee Toddobaadkan ku dileen 55 Alshabaab, waa sida ay hadalkooda u dhigteenn.
Hadalka AFRICOM wxaay kaloo ku sheegteen in Dagaalamayaal Alshabaab ee oo tiradoodu guud dhan tahay 200 ay dileen sannadkan 2019-kii, balse, ma jiraan warar ka madax bannaan sheegashadaasi.
Qoraalka AFRICOM waxay ku xuseen inaysan dad rayid ku geeriyoonin duqeymaha ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Goballadda Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, 500 Askar Maraykan ah ayaa ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo badankooda la sheegay inay yihiin Ciiddanka Hawlgalladda Khaaska fuliya iyo kuwo tababar, La-talin iyo Taageero siiya Hawlgalladda ay Ciiddanka DFS fuliyaan.