HomeWararAFRICOM: Ciiddamo ka socda AMISOM oo Carbis Milliteri ku qaadanaya Addis Abeba.

AFRICOM: Ciiddamo ka socda AMISOM oo Carbis Milliteri ku qaadanaya Addis Abeba.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee newbusinessethiopia.com  waxa uu shalay Carbis Wadajir u bilowday 100 Askari oo ka kala socda Maraykanka iyo Dowladaha ay Milliteriga iyo kuwa Boliska  ka joogaan Somalia. Carbiskaasi oo loogu magac daray Justified Accord 2017 (JA17)  ayaa la sheegay inuu socon doono tan iyo bishan March 24-da, sida lagu xusay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee newbusinessethiopia.com  waxa uu shalay Carbis Wadajir u bilowday 100 Askari oo ka kala socda Maraykanka iyo Dowladaha ay Milliteriga iyo kuwa Boliska  ka joogaan Somalia.

Carbiskaasi oo loogu magac daray Justified Accord 2017 (JA17)  ayaa la sheegay inuu socon doono tan iyo bishan March 24-da, sida lagu xusay War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Addis Abeba.

- Advertisement -

Tababarkaasi oo ay soo agaasimeen Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa ka qeyb galayo Ciiddamo ka kala yimid 10-Waddan, kuwaasi oo Tababar ka sokow is-dhaafsanaya Hadafka Nabad-ilaalinta iyo Isbedelka Hawlgalka AMISOM, si ay Ciiddanka Somalia u hoggaamiyaan Hawlgalkaasi.

Hadafka ugu dambeeya ee Carbiska ayaa ah sidii loo kordhin lahaa Xiriirka wada-shaqeynta ee Dowladaha xubnaha ka ah ee Gobalka iyo in la dhiso qorshaha  Tababarka soo socda ee JA18.

  Sareeye Guuto  Jon A. Jensen, oo ah Ku-xigeenka Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM oo ka hadlay Furitaanka Tababarka ayaa sheegay in muhiimadooda Khaaska ee Hawlgalka AMISOM tahay Dhaqanka furaha u ah Nabad-ilaalinta, sida Sharuucda Caalamiga ee Hawlaha Samafalka, Badbaadinta Rayidka iyo Taageeradda Samafalka Aaminimo, Masiibooyinka.

- Advertisement -

Waxa  kale oo uu sheegay inay Milliteriga Maraykanka ee Taliska AFRICOM waqti ku bixin doonaan inay eegaan, lagana xaajoodo  Shaqada muhiimka ee Xilliga Kala-guurka Hawlgalka AMISOM ee ay Soomaalida hoggamainayso.

Ciiddanka  Carbiska uga socdo magaalladda Addis Abeba waxaa la filayaa marka uu tababarku u dhamado  inay dib ugu wada laaban doonaan dalalkooda iyo Saldhigyadooda Shaqo.

Milliteriga Maraykanka waxay kaalin muhiim ka qaataan Maalgelinta, Qalabaynta iyo Tababarida Ciiddanka AMISOM, iyadoo Saraakiil Maraykan oo an tiradood la ogayn ka hawl-galaan gudaha Somalia,  waxayna Ciiddanka DFS iyo kuwa AMISOM ka taageeraan Dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.

Xigasho: newbusinessethiopia.com

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts