Afhayeenka Madaxtooyada Faransiiska oo aad loogu mashquulay Labiskiisa

Seabeth Andean oo dhowr bilood uun shaqada Afhayeennimo ka haysa Qasriga Madaxtooyada France ayaa labiskeeda Afrikaannimo waxa uu dhaliyay dood xooggan.

Waxaa aad uga dooday Siyaasiinta illaa ay gaarsiiyaan heebteeda iyo sida ay meel ka dhac ugu tahay jiritaanak qiyamka Dowaldda Faransiiska marka la eego hab la biskeeda
Dalka magaca iyo maamuuska sare ku leh tilmaamaha caalamka ee astaanta u ah horumarka iyo wax soo saarka si gaar ah Catarrada la isku udgiyo ayaa maanta waxaa bar bar taagan ka hadalka labiska gabar asal ahaan ka soo jeedda Afrika oo noqotay afhayeenka Qasriga Madaxtooyada Fransiiska , taas oo dad badan illowsiisay dooqa labiska marwada koowaad ee Qaranka faransiiska .

Waxa ay mugdi galisay hadal heentii Marwada koowaad ee Madaxweynaha dalka Fransiiska oo jalaqsanaanteeda loo geeyay labiskeeda wacan iyo kabaha qaaliga ah ee ay ku xarrakoon jirtay , taa badalkeeda maanta la hadal hayo Seabeth Andean oo dhar aan ku dhaganeen wadata sidoo kalana ku soo labisata kaba Sports oo aan lacag badan joogin laakin cagta raaxa u ah taa oo noqotay afhayeenka rasmiga ah ee madaxweynaha dalka Faransiiska.

Gabadhan oo asal ahaan ak soo jeeda dalka Senegal ayaa dhalatay 1979-kii , dhalashada waddaankiisana waxa ay heshay xilligii ololaha doorasho ee uu ku guuleeystay Madaxweyne Makron Waxa ay ka soo jeedda qoys siyaasadda xidid fiican ku leh aabaaheed waxa uu ahaa xubin fir fir coon ka tirsan  Xizbiga  Dimuquraadiga dalka Senegal , halka hooyadeedna ay ahayd Garsoore sare oo ka tirsan Golaha baarlamanka dalkeeda.

Wax barashadeeda aasaasiga ah waxa ay ku qaadatay dalka Senegal halka wax barashada sare ay ku qaadatay Dalka Fransiiska , iyada oo xubin buuxda ka noqotay Midowga Ardayda Faransiiska halkaa oo ay ka bilowday dhaq dhaqaaqeeda siyaasadeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media