Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku bixiyay raalligelin buuxda oo ku saabsan gef uu dhowaan u gaystay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho. Gefkan ayaa sababay in warbaahinta ay joojiyaan wada shaqeyntii ay la lahaayeen booliska, arrintaas oo keentay xiisad u dhexeysa labada dhinac.
Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa raalligelinta ku sheegay inuu qirayo tabashooyinka ay wariyeyaashu ka keeneen qeybta Warfaafinta ee Booliska, gaar ahaan xafiiska afhayeenka. Wuxuu ku bogaadiyay wariyeyaasha doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan nabadda iyo baraarujinta bulshada, isagoo sidoo kale ku baaqay in ay sii laba jibaaraan howlahooda.
Raalligelinta ayaa timid kadib markii ay kulamo dhexmareen labada dhinac, taas oo lagu xalliyay tabashooyinka jira, iyadoo la isku afgartay in dib loo soo celiyo wada shaqeyntii warbaahinta iyo booliska. Guddiga wariyeyaasha matalaayay ayaa dhankooda aqbalay raalligelinta oo ay ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan wada shaqeynta labada dhinac
Warbaahintu waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dalka jiheeya waxayna door muuqda ka qaadtaan nabadda iyo baraarujinta bulshada,Sidaas awgeed waxaa bogaadinayaa doorkoodaas islamarkaana ugu baaqay inay sii laba jibaaraan howsha baaxadda leh ee dadka iyo dalka u hayaan.
Kulama noo Socdey Maalmihii Lasoo Dhaafey Ayaan ku lafa gurney wixii Qaladaad ah ee jirey waxaana ugu mahadcelinayaa sida qiimaha leh ee ay u aqbaleen inay Lashaqeeyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed .tabashadoodina wax laga qabtey intii karaankeena aheyd.Guddiga Wariyayaasha matalaayey ayaa dhankooda aqbalay raalli-galinta waxayna ballan-qaadeen inay sii xoojinayaan wada shaqeynta