Afgembigii Milliteri ee dalka Gabon fashilmay

Afhayeenka Dowladda Nigeria, Guy-Bertrand Mapangou  ayaa sheegay inay  gacanta ku hayaan Xaalladda  Siyaasadda ee dalka, kadib, markii la fashiliyey Afgembigii Milliteri ee saakayto ka dhacay dalkaasi.

Afhayeenka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in 4 ka mid ah Askartii samaysay Afgembiga la xiray, halka mid 5-aadna uu baxsaday, balse la soo qaban doono saacadaha soo socda.

Waxa uu intaasi ku daray in Ciiddanka Jendermaariga la dhigay Deegaanadda ku hareeraysan Xarumaha Radaiyaha iyo TV-ga Qaranka, halkaasi oo ay Ciiddankii Afgembiga waday horey u qabsadeen.

Taangiyadda iyo Gawaarida Gaashaaman ayaa lagu arkayaa Caasimadda dalkaasi ee Librefiil.

Saraakiil hoose oo ka tirsan Milliteriga dalkaasi ayaa saakayto sheegtay inay la wareegeen Talada dalka, isla markaana ay dhiseen Gole Qaran oo dib u soo celiya Dimuqraadiyadda dalkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Gaaboon, Cali Bongo Ondimba, waxa uu ku sugan yahay Caasimadda dalka Moroko ee Rabaat, halkaasi oo looga daaweynayo Cuddurka Qalalka oo ku dhacay.

Madaxweynaha oo 59-jir ah waxa uu talada dalkaasi qabtay sannadkii 2009-kii, kadib, markii uu geeriyooday Aabihiisa, Omar Bongo oo talada dalkaasi hayey muddo 42-sanno.

Cali Bongo Ondimba waxaa mar kale dib loo doortay Doorasho ka dhacday dalkaasi sannadkii 2006-kii, taasi oo dad badan lagu dilay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor