Abwaan Hadraawi oo Maanta lagu aasayo qabuuro ku yaal Magaalada Hargeysa

Waxaa Maanta oo jicmo ah lagu wadaa in qabuuro ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland Aas loogu sameeyo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo shalay ku geeriyooday Magaaladaas.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Meydka Marxuum Abwaan Hadraawi la aasi doono salaada caser kadib, isla markaana lagu aasayo qabuuraha Baqiiq.

Kummanaan dadweyne ah oo isugu jira Madaxda ugu sarreeysa Somaliland iyo dadweyne farabadan ayaa ka qeyb geli doona Aaska Allaha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi).

Abwaan Hadraawi ayaa ahaa 79 sanno jir, waxaana si weyn looga garanayey guud ahaan gayiga Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) ayaa shalay Magaalada Hargeysa ugu geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor