Abaar ba’an ayaa laga soo sheegayaa deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Gedo, Baay iyo Bakool.
Boqolaal qof oo ku xoolo beelay abaarta ayaa maalmihii la soo dhaafay gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, halkaa oo ay ka dhisteen xeryo kumeelgaar ah.
Doolow ayaa waxa ay xarun u tahay hay’ado samafal oo ka dayriyay xaaladda dadkaas. Roobkii deyrta ee la filayay inuu ka da’o deegaannadaas ayaa baaqday, waxaana taas ay uga sii dartay abaarta jirtay.
Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ay sheegeen in Abaarta jirta ay si ba’an u sameeysay 66 degmo oo ka tirsan degmooyinka kala duwan ee Gobolada dalka Soomaaliya oo ay kunool yihiin qoysas farabadan.
Guddiga ayaa hoosta ka xariiqay in tirada dadka wajahaya biyo la’aanta iyo cunta yarida lagu qiyaasayo inay gaartay 6.9 Milyan, iyada in bilaha soo socda laga cabsi qabo inay gaarto 8 Milyan oo u dhiganta 50% tirada dadka kunool dalka.