HomeWararAas Qaran oo loo soo sameeyay Cali Khaliif iyo Madaxda Dowladda oo...

Aas Qaran oo loo soo sameeyay Cali Khaliif iyo Madaxda Dowladda oo ka qeyb galay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd Marxuum Cali Khaliif Galeyr, oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho. Diyaaraddii sidday Maydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd Marxuum Cali Khaliif Galeyr, oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii sidday Maydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano, Ehelada Marxuumka, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Marxuum Cali Khaliif Galeyr Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa lagu xusuusan doonaa dadaalladii uu ku bixiyey nabadeynta, dib u dhiska dalka, horumarinta iyo samata-bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts