• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, May 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Aakhriso:-Halkee ayay ku dambeeysay Xiisadii siyaasadeed ee Dowlad Deegaanka?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 28, 2019
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaa maalmihii dambe magaalada Jigjig ka tagnaa xiisad siyaasadeed oo la sheegay inay u dhaxeesay madaxweynaah deegaanka, Mustafe Muxumed Cagjar iyo gudoomiyaha xisbiga ahna wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide.

Khilaafkaasi ayaa waxaa uu horseeday in madaxweynaha deegaanka iyo Axmed Shide ay labaduba iska xaadiriyaan magaalada Addisababa, halkaais oo ay kula kulmeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Inkastoo aan war rasmi ah laga helin waxyaabihii ay ka wada hadleen Abiy Axmed, Axmed Shide iyo Mustafe Cagjar ayaa haddana war kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa lagu sheegay sidatan.

“Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa kullan wadatashi ah la qaatay madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar iyo gudoomiyaha xisbiga Axmed Shide. Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihii horumarka iyo ammaanka gobolka, waxaan Abiy Axmed uu ku dhawaaqay inay wada shaqeyn doonaan, si loo xoojiyo horumarka deegaanka”

Ilo ku dhaw labada dhinac ayaa BBC-da u sheegay in aysan jirin wax rasmi ah oo la isku afgartay, balse lagu heshiiyay in 30-ka bisha Janaayo la isugu yimaado magaalada Jigjiga, si halkaasi looga sii amba qaado arrimaha xisbiga, oo khilaafka ugu badan ee labada dhinac uu ku salaysan yahay.

Labada dhinac wali ma isku maqan yihiin?

Guddoomiyaha xisbiga, Axmed Shide ayaa markii madaxtooyada Itoobiya uu kula kulmay Mustafe Cagjar waxaa la sheegay in uu ballan qaaday in uu la shaqeyn doono madaxweynaha deegaanka, balse dadka indha indheeya siyaasadda waxay aaminsan in mid walba uu u tafaxeedanayo doorashada xisbiga iyo sidii uu saameyn ugu yeelan lahaa xubnaha kamid noqonaya xisbiga.

”Waxa la isku hayo waa awoodaha iyo sidii loo maareyn lahaa, ra’iisul wasaraha dalkana waxaa muuqata in uu yiri waxa la isku hayo soo khilaafka xisbiga ma ahan? Haa, doorashada xisbiga dhaqso hala qabto, waxaana hadda muuqato in doorashadii la isku diyaarinayo”.Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Ciid Badal Maxamad oo ka faaloda arrimaha siyaasadda geeska Afrika.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ka dhalatay qaabka loo wajahayo xubnaha kamid noqonaya golaha fulinta ee xisbiga , waxaana la sheegay in madaxweynaha dowlad deegaanka Mustafe Muxumed Cagjar oo haatan ku sugan magaalada Nairobi uu doonayo in xubna cusub ay nqodaan golaha fulinta ee xisbiga halka Axmed Shide oo isna ah gudoomiayah xisbiga uu doonayo in qaar kamid ah xubnihii hore ay kamid noqdaan xisbiga.

Inkastoo aanan lagu dhawaaqin xiliga la qabanayo doorashada xisbiga ayaa waxaan la ogeyn cida kamid noqoneysa xubnaha xisbiga iyo qaabka loo wajahayo arrintasi oo xaaladda degenaasho la’aan ka dhalisay deegaanka.

Maadaamma ay weli taagan tahay arrintii la isku khilaafsanaa ee xisbiga, ayaa dad badan waxay is weydiinayaan, degganaanta siyaasadeed ee kulankii Abiy Axmed uu la yeeshay Mustafe iyo Shide kaddib, ma waxay astaan u tahay in la heshiiyay iyo in weli la isku maqan yahay.

Balse astaamaha haatan taagan waxay muujinayaan in labada dhinac ay joojiyeen farriimihii ay warbaahinta isu marinayeen si xiisadda loo dejiyo, balse aysan jirin wax heshiis ah oo la gaaray.

XIGASHO BBC SOMALI

Previous Post

Daawo:-Hooyo Xaliimo”Curadkeyga aniga oo lugeynaayo aan wadada ku dhalay nafaqa darro ayuu iiga geeriyooday”

Next Post

Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Jubbaland oo taageeray howlgalka MD Axmed Madoobe uu sheegay in jubbooyinka looga saarayo Al-Shabaab

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
Warar

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

May 12, 2025
11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446
Warar

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

May 12, 2025
Hamas to Release American-Israeli Hostage Edan Alexander Amid Ceasefire Push and Humanitarian Crisis in Gaza
Wararka Idaacadda

Hamas to Release American-Israeli Hostage Edan Alexander Amid Ceasefire Push and Humanitarian Crisis in Gaza

May 12, 2025
Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
Next Post

Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Jubbaland oo taageeray howlgalka MD Axmed Madoobe uu sheegay in jubbooyinka looga saarayo Al-Shabaab

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

by Liban
May 12, 2025
0

MOGADISHU, Somalia – A contingent of Somali pilgrims has arrived in the Kingdom of Saudi Arabia to perform the Hajj...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr....

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda...

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Qaar ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446 Hijriya ayaa si nabad ah u gaaray dalka Sucuudiga, halkaas oo...

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences
English News

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
Warar

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446
Warar

11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Qatar Reaffirm Strategic Ties in High-Level Meeting Between PM Hamsa and Ambassador Al Nuaimi
English News

Somalia and Qatar Reaffirm Strategic Ties in High-Level Meeting Between PM Hamsa and Ambassador Al Nuaimi

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
After Floods, a New Tide? Somalia’s Parliament Eyes Deeper Regional Ties with IGAD Vote
English News

After Floods, a New Tide? Somalia's Parliament Eyes Deeper Regional Ties with IGAD Vote

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
  • Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
  • 11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00